Tacsi Tiiraanyo Leh

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun
Wasiiradda, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii Iyo Qarabadii Uu Ka geeriyooday marxuum Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo maanta 28 January 2017 ku geeriyooday Magaalada Boosaaso isagoo u geeriyooday dhaawacii 25 January 2017 loo geystay.
Waxaan si gaara ugu tacsiyeyneysaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga Wasiir Shire Xaaji Faaarax oo uu ahaa Walaalkiis iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ee uu ka baxay marxuum Nabadoon Muuse Xaaji Faarax waxaanu Eebbe uga baryeyaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo Samir iyo Iimaanna uu ka siiyo qoyskii iyo eheladii uu ka baxay dhamaantood.
Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi nabad jecel, hawl kar ah oo ay ku xoogan tahay damiirka waddaniyaddu, isla markaana yaqaana masuuliyadda saran.

كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْت

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *