Shir ay ku kulmeen wasaaradda qorshaynta iyo wasaaradda maaliyadda

Wasaarada Qorshaynta iyo Wasaaradda maaliyada ayaa shalay shir ku
yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda
shirkaas waxaa kasoo qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta
axmed Ibrahim Cawaale, Wasiirku xigeenka Maaliyada Maxamed Jibriil
Caateye, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Qorshaynta Xuseen Cabdi Jaamac
Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Cali Farxaan Gashaan iyo
Agaasimaha Maamulka Axmed Xariir Gaas
Ujeeadada shirka ayaa ahaa sidii kor logu qaadi lahaa wada shaqaynta
Labada wasaaradood iyo sidii la isaga kaashan lahaa Kor uqaadida
Dakhliga Cashuuraha laga qaado Shaqaalaha Caalamiga ah ee ka hawlgala
gudaha Puntland

qodobada la isla soo qaaday shirka ayaa laga gaaray Guulo la taaban
karo iyadoo lagu balamay in horay loo socda si loo helo Dakhli
Canshuureed dhamaystiran
gabagabadii shirka waxaa soo xiray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda
Qorshaynta Axmed ibraahim Cawaale isagoo ka dhawaajiyay in
loobahanyahay In wasaradda qorshaynta iyo wasaaradda maaliyada ay
yeeshaan Wadashaqayn dhaw

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *