Kulan ay yeesheen Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga iyo Madaxda Shaqaalaha Mashruuca Capacity Injection Project (CIP)

Kulamo kala duwan oo wada tashi ah oo looga hadlayey mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista (Capacity Injection Project) ee uu bangiga adduunku ku caawinayo dawladda Puntland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradaha Wasaaradda Qorshaynta Xiriirka Caalamiga.

Mr Alex Apiah oo ah madax mashruuca CIP ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida wanaagsan ee ay Puntland uga faa’iideysatey mashruuca  isla markaana uu halkaan u yimi sidii ugu kuurgeli lahaa habsamid u socodka mashruuca, dawladdana uu uga dhegeysan lahaa talooyinkeeda  la xiriira dardargelinta mashruuca.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradaha Wasaaradda Qorshaynta Xiriirka Caalamiga oo kulanka furay ayaa sheegay in ay dawladdu si mugle uga faa’iideysatey mashruuca, isla markaana ay uga mahadcelinayaan bangiga adduunka taageeradooda iyo garab istaagoodaba, isla markaana waxa si gaar ah loo lafa-guray muddadii uu kulanku socdey waaxyaha Mashaariicda (Aid Coordination), Dabogalka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation) iyo Tirakoobka (Statistics) oo ah waaxyo muhim ah isla markaana uu bangiga adduunku si-gaar ah uga taageero wasaaradda.

Kulankan oo looga arrinsanayo dardargelinta Mashruuca Ayaa sii socon doona labada maalmood ee soo socda iyadoona ugu dambayn laga soo saari doono siyaasado cusub oo lagu hagi doono dardargelinta mashruuca iyo habka shaqo qorista dawladda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *