Shir looga hadlayay Sidii laysugu afgaran lahaa Qaadidada Canshuuraha Ku waajibay Shaqaalaha Hay’addaha UN-Ka

Shir ay wada jir usoo qaban qaabiyeeen Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalmiga iyo Wasaaradda Maaaliyadda ayaa maanta lugu qabtay aqalka shirarka ee wasaaradda qorshaynta.
Shirkan oo lugu casumay dhamaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee Xarumaha ku leh Gudaha Dowladda Puntland shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Axmed Ibraahim Cawaale,Wasiirku Xigeenka Maaliyada Maxamed jibriil caateeye iyo Labada Agaasime Guud ee W/Qorshaynta iyo Maaliyada.
Ugu Horayn Shirka Waxaa daahfuray k/Simaha Wasiirka Axmed Ibrahim isagoo Tilmaamay Roolka wasaaradda qorshaynta ee Ku aadan dardar galinta Canshuuraha, Isagoo Tibaaxay in Waaraadada Qorshaynta ay tahay ta udhaxaysa wasaaraddaha Dowladda iyo Hay’adaha caalamiga ah iyadoo Wasaaradda qorshaynta ay ka jawaabaysa Qorshaha wasaaradda Maaliyada kaga aadan qaadidada Canshuurta Hay’adaha Qaramada Midobay (Un).
Dhinaca kale wasiir Kuxigeenka wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Jibriil ayaa ku dheeraday muhimada ay leedahay in si rasmi ah loo qaado Canshuuraha Ku waajibay Shaqaalaha qaramada Midoobay kana codsaday Madaxda hay,adaha Unka in ay kala shaqeeyaan Qaadida canshuurta Shaqaalaha iyo Qandaraaslayasha la xiriira qaramada midoobay.

Howard Bell ayaa sheegay inay xasuusinayaan dhamaan shaqaalaha iyo qaybaha kala duwan ee canshuurtu ku waajibtay una soo gudbinayan xogta shaqaalaha iyo qandaraaaslayaasha oo dhamaystiran xafiiska canshuuraha, intaas waxa uu raaciayay inay kala shaqaynayaan dowladda puntland dhamaan waxyaalaha ay ka codsatay inta uu shirku socday.
Wasiir Kuxigeenka ayaa ugu danbayn sheegay in shaaqqaalaha xuquuqda ay uheli doonaan si sharci ah haday bixiyaan xaquuqda lagu leeyahay ee canshuurta isla markaana dowladda looga baahanyahay in ay ilaaliso xaquuqda shaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *