Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga oo agaasintay kulan xog is waraysi ah iyo sidii looga wada hadli lahaa Mashruuca Tayeynta/Adkaynta iyo Kor u Qaadista Hay’addaha Dawlada ((Strenthening Institutional Performance (SIP))

Waxaa maanta Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga hoolkeeda shirarka lugu qabtay shir ay Wasaaradu shir gudoominaysay kaas oo ku saabsanaa xog is waraysi iyo sidii looga wada hadli lahaa Mashruuca Tayeynta/Adkaynta iyo Kor u Qaadista Hay’addaha Dawlada ((Strenthening Institutional Performance (SIP)) oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Hay’addaha Mashruuca ka faaidaysta sida Wasaarada Shaqada, Shaqaalahada, dhalinyaradda iyo Ciyaaraha(MoLYS), Wasaarada Horumarinta Haweenka & Arrimaha Qoyska (MoWDAFA), Hay’adda La Dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo Hay’adda Shaqalaha Rayidka.

kulankan oo ka koobnaa qaybo kale duwan ayaa waxaa furay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Mudane Axmed Cawaale isagoo soo dhaweeyay dhamaan ka soo qayb galayaasha kala duwan sida Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Rayidkaka iyo madax ka socotay UNDP oo uu ka mid ahaa madaxa UNDP ee Garowe iyo saraakiil ka tirsan shaqaalaha mashruuca SIP (Strenthening Institutional Performance).

Waxaa lasoo bandhigay qorshayaashii mashruuca (SIP) u qabsoomay sanadka 2016, waxaa kale oo lasoo bandhigay qorshayaasha sanadka 2017 u dagsan in laga fuliyo Puntland Insha Allah.

Dood iyo xog isweydaarsi kadib waxaa kulankii lagu soo gaba gabeeyay is fahan iyo hormar.

15146793_10207618734969755_1990185171_o
15153039_10207618735089758_1166805174_o

15152485_10207618736089783_1559482784_o

Group Phone of Puntland Project Meeting

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *