Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiiriirka Caalamiga ahna kusii simaha Wasiirka Mudane Ahmed Cawaale ayaa Wasaaradda ku qaabilay Saraakiil ka socotay Qaramadda Midoobay/UN ee Xafiiska UNSOM Mr Howard Bell

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiiriirka Caalamiga ahna kusii simaha Wasiirka Mudane Ahmed Cawaale ayaa Wasaaradda ku qaabilay Saraakiil ka socotay Qaramadda Midoobay/UN ee Xafiiska UNSOM Mr Howard Bell.

Mr. Howard Bell, weftiga uu hogaaminayo, Wasiiru Dawlaha, Agaasimayaal iyo Saraakiil ta tirsan la taliyayaasha Wasaaradda ayaa waxay ka wada hadleen arimo la xidhiidha xaalada nabad gelyo ee wadanka iyo sida loogu baahan yahay amniga guud ahaan Puntland, xaalada abaaraha ka jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya iyo Qorshaha Dib u eegista lagu sameeyey ee Qorshaha 5ta Sano ee Puntland, isla markaana ku bogaadiyey Puntland siiba Wasaarada Qorshayntu iyo Xidhiidhka Caalamigu guusha ay ka gaadhay iney wadanka u samaysay qorshe hir galay isla markaana qorshihii 2aad ee 5ta sano dib u eegis lagu sameeyey.

Weftiga ka socday xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa waxa ay Dawlada Puntland ku bogaadiyeen hanaanka geedi-socodka doorashooyinka heer federal ee Puntland ka socda, doorashooyinkaas oo Puntland si habsami ah uga socda, waxayna sidoo kale tibaaxeen in Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey ay si dhow ula socoto dedaalada dheeriga ah ee Dawladda Puntland ku bixisay sidii ay u hir-geli lahayd hanaanka Dimuqraadiyada Soomaaliya.

Ugu danbayn, Wasiiru dawlaha ayaa weftiga ka socdey xafiiska UNSOM si qoto dheer uga xog bixiyey una sheegay waxyaabaha ugu muhiimsan sida xaaladda amniga,xasilooni la’aanta iyo dhaqaale ee ka jirta Puntlad,taas oo dib u dhac weyn ku keenaysa nolosha bulshada, iyo waxyaabaha aasaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax ka qaataan horumarinta Puntland.

23
457

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *