Xafiiska Ogolaanshaha Mashaariicda Midowga Yurub ((National Authorizing Office (NAO)) ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland oo soo qaban qaabisay shir ay isugu yimaadeen Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawlada Puntlnad iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kaas oo lagaga wada hadlayey sidii looga wada shaqayn lahaa Xafiiska Ogolaanshaha Mashaariicda Midowga Yurub ((National Authorizing Office (NAO)) kaas oo ka dhacay haalka shirarka ee Wasaaradda 22 December 2016.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Mudane Shire Haji Farah ayaa rasmi ah u furay shirka, waxaa la gudoominayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdullahi Qalocow.

Agaasimaha Xafiiska Ogolaansha Mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Xiririyaha Midowga Yurub Mr Zakaria A Hassan ayaa soo bandhigay geedi socodka, taariikhda, dhaqanka hawlaha shaqada ee uu yeelan doono xafiiskani iyo mabaadi’da Xafiiska Oggolaanshaha Mashaariicda Midowga Yurub, iyo sidoo kale doorka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, falanqayn dheer ka bacdi waxaa la isku af gartay sidii looga wada shaqayn lahaa hirgelinta iyo fududeynta shaqada xafiiska kaas oo muhiim u ah Soomaalida oo dhan sidii ay u maaraynsan lahaayeen deeqaha midowga Yurub iyadoo aan gacan shisheeye u maamulin.

11069dscn0761 16 2217 18 3 14 87 191215 4 511 23 20