Bangiga Aduunka iyo Hay’adda FAO ayaa soo bandhigay macluumaad laga aruuriyay dalaka soomaalia

September 12, 2017 Wasaaradda qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa agaasintay shir heersare ah oo ku saabsan macluumaad laga diyaariyay qaybta waxsoosaarka. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda qorshaynta, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta, wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka & duur joogta, iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud, madax ka socatay  Baanka Aduunka iyo hay’adda FAO waxaa kaloo qaby ka ahaa shirka Agaasiamaha guud ee qorshaynta, Agaasimaha guud ee xanaanada xoolaha, gudoomiyaha HADMA, Agaasimaha guud ee kaluumaysiga, agasimaha guud ee beeraha iyo xubne sare oo ka socday Dowladda qabaheeda kala duwan.

Madaxda ka socotay baanka aduunka iyo hay’adda FAO ayaa soo bandhigay macluumaad ku saabsan qabta beeraha oo ay soo waada diyaarsheen baanka aduunka iyo FAO waxaana qayb wayn ka qaatay diyaarinta reboortka xafiiska FAO ee soomaaliya. Ahmiyadda guud waxaa weeyaan in baaritaan lugu sameeyo dhamaan deegaanada kala duwan ee soomaaliya siday ahaan jirtay dagaaladii sokeeye ka hor ilaa 2010 kii iyadoo baaritaan dheeraada iyo tixgalin la siinayo dhinaca beeraha, kaluumaysiga, xanaanada xoolaha, iyo kaymaha.

Markii ay dhamaysteen soo bandhigitaan ka macluumaadka ayaa waxaa ka dooday dhamaan madaxda Dowladda Puntland oo ku darsaday waxyaabaha reboortku ka tagay iyo waxyaabaha u baahn in la saxo taas oo ay soo dhaweeyeen khabiirada diyaarshay reboortka.

Ugu danbayn macluumaadka ay soo bandhigeen khabiirada ayaa wuxuu noqon doonaa marka la dhamaystiro mid wax wayn soo shaac bixiya maadaama uu yar yahay macluumaadka laga hayo qaybaha kala duwan ee kor ku xusan.

Shir wadatashi iyo qiimayn ku saabsan abaaraha ayaa saaka ka dhacay wasaarada qorshaynta

Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dawladda Puntland ayaa maanta qabatay shir lagaga tashanayo sidii loo qiimaynlahaa waxyeeladii abaartii kadhacday Puntland loona samaynlahaa qorshaha kakabashada abaartii kadhacday Puntland.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Siciid Faarax ayaa faahfaahin kabixiyay shirka iyo muhiimadiisa soona dhaweeyay dadkii kasoo qaybgalay.

Madaxa xafiiska iskuxirka Qaramada Midoobay Howard Bell ayaa sheegay in ay beesha caalamka kago’antahay sidii ay Puntland uga caawinlahaayeen qorshaha kakabashada abaartii kadhacday Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Shire Xaaji Faarax ayaa ushukri naqay Alaah nasiiyay roob fiican abaarti kadib. Dabadeed waxuu Wasiirku beesha caalamaka iyo Soomalidii kaqaybqaadatay abaartii Kadhacday Soomaaliya kubogaadiyay taageeradoodii waxuuna kacodsaday inay kaqaybqaataan Qorshaha kakabashada abaaraha.

Waxaa shirka kasoo qaybgalay madaxda iyo khubarada wasaarada, madaxda hay’adaha UNka, NGOyada iyo ururo kale.

Wasaaradda Qorshaynta oo Agaasintay shirkii Shanaad ee Madasha Hormarinta Puntland Qaybta Wax-Soosaarka

Shirarkii taxanaha ahaa ee Madasha Hormarinta Puntland Qabtiisa Wax-soosaarka ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 ta bisha shanaad lugu qabtay Wasaaradda qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

Shirka oo socday muddo labo saac ah waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga Mudane: Cali Xirsi Salaad isagoo sheegay baahida loo qabay sidii loo heli lahaa madal noocaan oo kale ah, sidoo kale agaasimuhu wuxuu xusay sida ay muhiim u tahay Madasha Hormarinta Puntland.

Waxaa isna kalmadiisa jeediyaya Madaxa RCO ee Puntland Mudane: Howard Bell oo sharaxaad dheer ka bixiyay sida ay u shaqeyn doonaan hay’adaha is ku shaqada ah iyo muhiimadda ay u leeyihiin Puntland. Wuxuu sheegay mudane Bell in dhamaan ha’adaha kala duwan ee ka soo qayb galay shirka ay ku dadaalaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen una hormarin lahaayeen qabytooda.

Agaasiamah Guud ee wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane: Xuseen ayaa si qoto dheer ugu sharaxay ka soo qaybgalayaasha ujeedada laga leeyahay Madasha Hormarint Puntland qabta Wax-soosaarka waxa kale oo agaasimuhu ka jawaabay su’aalo kala duwan o ay waydiiyeen ka soo qaybgalayaashu.

Hadafka guud ee shirarkan is daba socda waxaa weeye sidii loo samayn laha in Ha’adaha Dowladda iyo kuwa heer caalami ee is ku shaqada ah ay u wada fahmi lahaayeen kaalintooda ku aadan Qorshaha Hormarinta Dowladda Puntland.
Ugu danbayntii waxaa shirka soo xiray mudane Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Waxaa shirka kasoo qaybgalay hay’adaha Dawladda, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalaamiga ah.

-𝗨𝗴𝘂𝗱𝗮𝗻𝗯𝗮𝘆𝘁𝗶𝗶 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗮𝘆:

• Waxa la is ku raacay ajendaha shirka.
• Waxa la is ku raacay in Hogaanka Wax-soosaar ka noqonoyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo hay’adda RCO.
• Waxaa sidoo kale la ansixiyay Jadwalka Lixda bilood ee soo socota.
• Waxaa laga dooday, qaabka shaqada loo kale leeyaay lana ansixin doono kulanka xiga kan oo ka dhici doono Wasaaradda Xanaanada Xoolaha bisha soo socota 11 keeda.

Puntland Development Forum (PDF) – Livelihood Sector Working Group (SWG)

On 25th May 2017, Puntland Development Forum – Livelihood Sector Working Group (SWG) was held at the Ministry of Planning and International Cooperation – Puntland (MoPIC) in Garowe
The Meeting was officially opened by the acting Chair of Livelihood Sector Working Group (SWG) Director General of Ministry of Fisheries Mr. Ali Hirsi Salad, by stating and highlighting on how the Sector Working Groups are important for Puntland Development Plans.
Mr. Howard Bell, Head of RCO in Puntland, the Co-chair of the Livelihood Sector Working Group made his remarks and updates on strategic framework of Livelihood sector and strengthening National Livelihood Architecture in Somalia. He mentioned that the meeting was good start and stated that context of PDF which is transfer of power from federal Government to State level. He mentioned that London Conference was approved a new partnership agreement to interlinked National Development Plan and State Level Development Plan for whole Somalia.
The meeting was fruitful and successful for all the participants. This was the Fifth of series of Six Sector Work Group meetings that will happen in Puntland. The upcoming other Development Sector is Governance.
The development sectors are based on the Revised Puntland Development Plan (2017-2019) aligned with the Somali Federal Government National Development Plan (NDP) and the Sustainable Development Goals (SDGs). To better coordinate MoPIC developed, in all-inclusive process, an aid coordination mechanism called Puntland Development Forum (PDF), which was endorsed in October 2015. It presents the necessary aid coordination architecture.
Meeting Outcome
¬ Meeting agenda was agreed.
¬ Terms of References was discussed and will be approved on Sunday 11th June 2017 at the Ministry of Livestock.
¬ Six Months Meeting Calendar was discussed and endorsed by the Livelihood Sector Working Group.
¬ Group Norms and Conduct agreed including – Punctuality and avoidance of new faces
and presence of decision makers in all meetings.
¬ Lead Ministry of Livelihood Sector will be Ministry of Livestock while the lead agency will be RCO.
¬ Livelihood Sector presented their ongoing programs/projects to ensure the avoidance of duplication and overlapping of programs/projects.
¬ MoPIC to play the secretariat role until the Sector Working Group secretariat is formed.
To contribute to the overall coordination function of MoPIC through communication and information sharing.
The overall objective of the meeting was to present and facilitate Sector Working Groups (SWGs) meetings and to strengthen their collaboration to furthering the aims, objectives of the Livelihood Sector Working Group (SWG) to realize the priorities of the Sector in the Revised Puntland Development Plan (2017-2019).

Puntland Development Forum (PDF) Justice Sector Working Group (SWG) meeting

On 7th May 2017, second Sector Working Group (SWG) meeting on Justice was held in Garowe, at the Ministry of Planning and International Cooperation – Puntland (MOPIC). The Meeting was officially opened by the MoPIC Deputy Minister Hon Said Farah Mohamud, and Director General of Ministry of Justice Mr. Mohamed Ali Farah, it was fruitful and interactive meeting.  This was the second of series of Sector Work Group meetings that will happen in Puntland. The upcoming other Four Development Sectors are Governance, Security, Livelihood and Social.

The development sectors are based on the Revised Puntland Development Plan (2017-2019) aligned with the Somali Federal Government National Development Plan (NDP) and the Sustainable Development Goals (SDGs). To better coordinate MoPIC developed, in all-inclusive process, an aid coordination mechanism called Puntland Development Forum (PDF), which was endorsed in October 2015. It presents the necessary aid coordination architecture.

Meeting Outcome

  • Meeting agenda was agreed
  • Terms of References reviewed and members requested to make comments for this week, then later to endorse on 15th May 2017
  • Six Months Meeting Calendar presented, discussed and finally endorsed
  • Group Norms and Conduct agreed including – Punctuality and avoidance of new faces and presence of decision makers in all meetings.
  • Membership of the SWG listed and agreed
  • Lead Ministry to be the Ministry of Justice while the lead agency will be UNDP.
  • Each counterpart presented their ongoing programs/projects to ensure the avoidance of duplication and overlapping of programs/projects.
  • MoPIC to play the secretariat role until the Sector Working Group secretariat is formed
  • To contribute to the overall coordination function of MoPIC through communication and information sharing
  • Next Justice SWG meeting to take place at the Ministry of Justice on 4th June 2017

The overall objective of the meeting was to facilitate Sector Working Group (SWG) and Sub-Sector Working Group (SWG) meetings to strengthen their collaboration to furthering the aims and objectives of the Justice Sector Working Group (SWG) to realize the priorities of the Justice Sector in the Revised Puntland Development Plan (2017-2019).

List of Institutions Participated

Puntland Government of Somalia

  1. Ministry of Justice, Religious Affairs and Rehabilitation
  2. Ministry of Security and DDR
  3. Ministry of Women, Development and Family Affairs
  4. Ministry of Information
  5. Ministry of Interior
  6. PSU Legal Aid
  7. Commander of Custodial Corps
  8. State Lawyer

Civil Society Organization

  1. Puntland Non-State Actors

Private Sector

  1. Puntland Chamber of Commerce

UN, Development Partners and INGOs

  1. UNSOM/RCO
  2. UNDP
  3. UNICEF
  4. IOM
  5. UNHCR
  6. Somalia NGO Consortium Coordinator

 

List of Invited Absentees

  1. UNODC
  2. Save the Children
  3. Islamic Relief

 

Wasaaradda Qorshaynta oo Agaasintay shirkii Labaad ee Madasha Hormarinta Puntland Qaybta Cadaaladda

Waxaa maanta Wasaaradda Qorshanta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka qabsoomay Shirkii labaad ee Hay’adaha is ku shaqada ah, Shirka wuxuu ku saabsa Qaybta Cadaaladda (justice Sector).

Hagaajinta Cadaaladdu waa mid kamid ah afartii waxyaabood ee Dawladda maanta jirta ay balanqaaday waxaana hadafka shirku ahaa in la ogaado maxaa qabsoomay? Maxaa caqabado ah? Maxaa lagusixikaraa?

Waxaa shirka daahfuray Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Qorshaynta Mudane: Siciid Faarax Maxamud oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu shirkan u leeyahay qaybta Cadaaladda iyo sidii ha’dada is ku shaqada ah u yeelan lahaayeen wada shaqan wanaagsan.

Waxaa isna kahadlay shirka Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Maxamed Cali Faarax oo aad u bogaadiyay Kaalinta ay ku leedahay Wasaaradda Qorshayntu barnaamijkan iyo sida habsamida leh ee ay usoo agaasintay, wuxuu kaloo agaasimhu ka hadlay sidii dhamaan hay’adaha is ku kooxda ee Cadaaladu ay u muujin lahaayeen howlkarnimo iyo firfircooni sidii looga mira dhalin laha Qorshaha Hormarinta Dowladda Puntland.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Madaxa Ha’adda UNDP ee Puntland Sayid Sahibzada oo u ku celceliyay Ha’adaha Dowladda ee is ku shaqada ah sida ay uga faa’iidaysan lahaayeen shirka iyo shirarka xigaba.

Hadafka guud ee shirarkan is daba socda waxaa weeye sidii loo samayn laha in Ha’adaha Dowladda iyo kuwa heer caalami ee is ku shaqada ah ay u wada fahmi lahaayeen kaalintooda ku aadan Qorshaha Hormarinta Dowladda Puntland.

Wasaaradda Qorshaynta oo Agaasintay shirkii ugu horeeyay ee Madasha Hormarinta Puntland Qaybta Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasaaradda Qorshaynta ayaa Agaasintay shirkii ugu horeeyay ee Madasha Hormarinta Puntland Qaybta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Shirkan oo ah shirkii ugu horeeyay mid noociisa ah ayaa lugu qabtay wasaaradda qorshaynta.

Shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamka Mudane: Shire Xaaji Faarax oo sharaxaad dheer ka bixiyay sida ay muhiim u tahay in la dhaqan galiyo Qorshaha Saddexda Sano ee hormarinta Puntland kaas oo u qaybsan shan qaybood oo kala ah: Kaabayaasha Dhaqaalaha, Cadaaladda, Waxbarshada, Caafimaadka, iyo Amniga.

Waxaa kaloo ka hadlay shirka Mr. David Akopyan UNDP- Agaasime Kuxigeenka Wadanka ee Programs ka oo ka hadlay sida ugu fiican ee loo hirgalin karo Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.

Natiijada Shirka:

  • Qaybta Kaabayaasha Dhaqalaha Waxaa Dowladda u hogaaminaya Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta halaka Ha’addahana ay Hogaaminayso UNHABITAT
  • Waxaa la isku raacay ajandaha Shirka
  • Waxaa la eegay lana is ku raacay Qaabka shaqada loo kala yeelanayo
  • Waxaa la soo bandhigay jadwalka Lix Bilood ee soo socota waana la is ku raacay

 

Shirka waxaa looga gol lahaa sidii loo fududayn lahaa wada shaqaynta qaybaha is ku shaqada ah iyo faracyada is ku shaqada ah, si loo xoojiyo wada shaqaynta  ahdaafta iyo ujeedooyinka Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Shirka waxaa daadihinayay Agaasimha Guud ee wasaaradda Qorshaynta Xuseen cabdi oo isna ku adkeeyay carabka muhiimadda ay yeelan karto hadii la raaco qorshaha Hormarinta Puntland.

 

Wasiirka Wasaaradda

Press Release of the Puntland Development Forum Infrastructure Sector

First Sector Working Group (SWG) meeting on Infrastructure was held in Garowe, at the Ministry of Planning and International Cooperation – Puntland (MOPIC). The Meeting was officially opened by Hon. Shire H. Farah, MoPIC Minister and Mr. David Akopyan UNDP- Deputy Country Director (Programs), it was fruitful and interactive.  This was the first of series of sector work group meetings that will happen in Puntland. The upcoming other Five Development Sectors are Governance, Justice, Security, Livelihood and Social. The development sectors are based on the Puntland Revised Development Plan (2017-2019) aligned with the Somali Federal Government National Development Plan (NDP) and the Sustainable Development Goals (SDGs). To better coordinate MoPIC developed, in all-inclusive process, an aid coordination mechanism called Puntland Development Forum (PDF) which was endorsed in October 2015. It presents the necessary aid coordination architecture.

Meeting Outcome

  • Meeting agenda was agreed
  • Terms of References reviewed and endorsed
  • Six Months Meeting Calendar presented, discussed and finally endorsed
  • Group Norms and Conduct agreed including – Punctuality and avoidance of new faces and presence of decision makers in all meetings.
  • Membership of the SWG listed and agreed
  • Lead Ministry to the be the Ministry of Public Works and Transportation while the lead agency will be UNHABITAT.
  • Each counterpart to present their ongoing programs/projects to ensure the avoidance of duplication and overlapping of programs/projects.
  • MoPIC to play the secretariat role until the sector working group secretariat is formed
  • To contribute to the overall coordination function of MoPIC through communication and information sharing
  • Next meeting to take place at the Ministry of Public Works and Transport on May 6, 2017

The overall objective of the meeting was to facilitate sector workgroup and subsector workgroup meetings to strengthen their collaboration for furthering the aims and objectives of the Infrastructure sector workgroup to realize the priorities of the sector in the Revised Puntland Development Plan.


List of Institutions Participated

Puntland Government of Somalia

  1. Ministry of Public Works and Transportation
  2. Ministry of Planning and International Cooperation
  3. Ministry of Civil Aviation and Airports
  4. Ministry of Environment, Wildlife and Tourism
  5. Puntland High Way Authority
  6. Puntland Agency for Water and Energy

 

Civil Society Organization

  1. Puntland Non-State Actors

Private Sector

  1. Puntland Chamber of Commerce

UN, Development Partners and INGOs

  1. UNHABITAT
  2. UNDP
  3. ILO
  4. GIZ
  5. Somali Stability Fund
  6. Islamic Relief
  7. DAI

 

Shir looga hadlayay Sidii laysugu afgaran lahaa Qaadidada Canshuuraha Ku waajibay Shaqaalaha Hay’addaha UN-Ka

Shir ay wada jir usoo qaban qaabiyeeen Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalmiga iyo Wasaaradda Maaaliyadda ayaa maanta lugu qabtay aqalka shirarka ee wasaaradda qorshaynta.
Shirkan oo lugu casumay dhamaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee Xarumaha ku leh Gudaha Dowladda Puntland shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Axmed Ibraahim Cawaale,Wasiirku Xigeenka Maaliyada Maxamed jibriil caateeye iyo Labada Agaasime Guud ee W/Qorshaynta iyo Maaliyada.
Ugu Horayn Shirka Waxaa daahfuray k/Simaha Wasiirka Axmed Ibrahim isagoo Tilmaamay Roolka wasaaradda qorshaynta ee Ku aadan dardar galinta Canshuuraha, Isagoo Tibaaxay in Waaraadada Qorshaynta ay tahay ta udhaxaysa wasaaraddaha Dowladda iyo Hay’adaha caalamiga ah iyadoo Wasaaradda qorshaynta ay ka jawaabaysa Qorshaha wasaaradda Maaliyada kaga aadan qaadidada Canshuurta Hay’adaha Qaramada Midobay (Un).
Dhinaca kale wasiir Kuxigeenka wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Jibriil ayaa ku dheeraday muhimada ay leedahay in si rasmi ah loo qaado Canshuuraha Ku waajibay Shaqaalaha qaramada Midoobay kana codsaday Madaxda hay,adaha Unka in ay kala shaqeeyaan Qaadida canshuurta Shaqaalaha iyo Qandaraaslayasha la xiriira qaramada midoobay.

Howard Bell ayaa sheegay inay xasuusinayaan dhamaan shaqaalaha iyo qaybaha kala duwan ee canshuurtu ku waajibtay una soo gudbinayan xogta shaqaalaha iyo qandaraaaslayaasha oo dhamaystiran xafiiska canshuuraha, intaas waxa uu raaciayay inay kala shaqaynayaan dowladda puntland dhamaan waxyaalaha ay ka codsatay inta uu shirku socday.
Wasiir Kuxigeenka ayaa ugu danbayn sheegay in shaaqqaalaha xuquuqda ay uheli doonaan si sharci ah haday bixiyaan xaquuqda lagu leeyahay ee canshuurta isla markaana dowladda looga baahanyahay in ay ilaaliso xaquuqda shaqaalaha.