Madasha Hormarinta Puntland Qabyta Maamulka Dowladda ayaa saaka lugu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashika Caalamka.

31 May 2017, Madasha Hormarinta Puntland Qabyta Maamulka Dowladda ayaa saaka lugu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashika Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane: Axmed Cilmi Cusman (Karaash), ayaa shirka daahfuray isagoo sheegay sida ay Dowladdu ugaa faa’iidaysan doonto Golahan, Waxa kale oo uu xaqiijiyay in wax badan uu ka badali doono dhamaan hay’adaha Dowladda iyo kuwa Caalamiga ah ee la shaqeeyay Puntland.

Waxaa sidoo kale faahfaahin tan la mida u sheegay ka soo qabygalayaasha wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mudane: Siciid Faarax Isagoo sharaxay mudnaanta ay yeelan doonto madashani iyo sida ay Wasaaradda Qorshanytu isugu soo daba riday, waxa kale oo wasiirku xusay in ay shirarkan hay’adaha is ku shaqada ah ee kala duwan Dowladda kacaawin doonaan sidii loo heli lahaa xogaha muhiimka ay hayaan.

Hadafka guud ee shirarkan is daba socda waxaa weeye sidii loo samayn laha in Ha’adaha Dowladda iyo kuwa heer caalami ee is ku shaqada ah ay u wada fahmi lahaayeen kaalintooda ku aadan Qorshaha Hormarinta Dowladda Puntland.
Ugu danbayntii waxaa shirka soo xiray Cabdicasiis Cilmi Koor Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha. Waxaa shirka kasoo qaybgalay hay’adaha Dawladda, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalaamiga ah.
-Ugudanbayntii Shirka Waxaa ka soo Baxay:
• Waxa la is ku raacay ajendaha shirka.
• Waxa la is ku raacay in Hogaanka Maamulka Dowladdu noqonoyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.
• Waxaa sidoo kale la ansixiyay Jadwalka Lixda bilood ee soo socota.
• Waxaa laga dooday, qaabka shaqada loo kale leeyaay lana ansixin doono kulanka xiga kan oo ka dhici doono Wasaaradda Arimaha Gudaha a bisha soo socota 25 keeda.