Shirkii Xiriirinta iyo Hirgelinta Cashuuraha Shaqaalaha Hay’adaha Calamiga ah oo maanta Qabsoomay

tax3Shir ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalaliga iyo Wasarada Maaliyada oo lagu casumay Dhaman hay’adaha Samafalka ee Heer caalami iyo Maxali isugu jira ayaa waxaa  kasoo qayb galeen in ku dhow Konton Hay’adood Shirkan oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr- Abdiweli gaas ayaa lagaga hadlayey Hirgelinta Cashuurta ku waajibtay  shaqaalaha hay’adaha ushaqeeya .

Shirkan oo ahaa mid mudo la sugayey qabsoomidiisa ayaa waxaa ay labada wasaaradood kusoo bandhigeen qorshahooda iyo habkalooga wadda shaqaynayo Cashuurtaas iyada ah iyo sistamka laraacayo marka cashuurta labixinayo.

Guud ahaan waxaa shirka kasoo qaybgalayaashiisii isku raaceen in ay muhiim tahay in cashuurta labixiyo hay’aduhuna diyaar u yihiin bixinta cashuurta shaqaalahooda.

Tax 2IMG_0720IMG_0761

Tax