Wasaaradda Qorshaynta iyo Hay’adda TIS+ oo daah furay Mashruuca Horumarinta Degmooyinka ka baxsan Laamiga

Wasaardda Qorshaynta waxay daaha ka qaaday mashrruca Horumarinta Degmooyinka ka baxsan Laamiga ,mashruucaas oo ay Ku deeqday Dowladda Maraykanka Gaar ahaan hay,adda USAID.
Mashruuca waxaa isla kaashanaya Wasaaradda Qorshaynta iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo taageero ka helaya TIS+(USAID) mashruucan wuxuu daba socda ka midho dhalinta baaHiyaha Maagooliyinka ka baxsan Laamiga sidii loo gaarsiin laha adeegyada asaasiga ah.
shirka waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda qorshaynta, wasiiru dowlaha wasaaradda qorshaynta, agaasimaha guud ee wasaardda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha iyo marti sharaf ka socotay laamaha kala duwan dowladda iyo hay’adaha mashruucaan wax ka waday.
Ugu Horayn Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta mudane Shire Xaaji Faarax oo daboolka ka qaday mashrucan wuxuu carabka ku adkeeyay sidii loo heli lahaa xog dhamaystiran oo kasalaysan baahiyaha dhabta ah ee ka jira degmooyinka ka baxsan laamiga ee mashruucan loo asteeyay.

Ugu danbayn Wasiiru Dowlaha ayaa soo hadal qaaday in loobaahna Mashruucan oo kale isla markaana ku booriyay Degmooyinka Nasiibka u helay in ay uga faa,iidaystaan sida loo qorsheeyay

shire xaaji faarax

Wasaarada Qorsheynta puntland oo qabsatay kulan ku saabsan soo bandhigida waxqabadkeeda

Wasaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland ayaa manta ku qabatey Darayle Resort ee Magaalada Garoowe, Caasimada Puntland kulan lagaga hadlayey waxqabadki u qabsoomey sanadkii lasoo dhaafey ee 2016, Qorshaheeda 2017-ka, Caqabadaha iyo sidii looga gudbi lahaa.

Waxaa kasoo qeybgalay kulankaas Wasiirka, Wasiir ku xigeenka,Wasiiru dawlaha, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada, Madax Qaybeedyada, La Taliyayaasha iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland iyo Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay,addaha Dawlada ee UNDP-SIP( Strengthening Institutional Performance).

Muuse Ducaale oo ah Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’addaha Dawliga ah UNDP-SIP (Strengthening Institutional Performance) oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu Shaqada Badan ee Dawlada Puntland, Islamarkaana loo baahan yahay in mar walba la ogaado wixii u qabsoomay, caqabadaha iyo waxay qaban doonto Wasaaradu.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ee Puntland Mudane Axmed Ibraahim Cawaale ayaa dhankiisa sheegay inay shaqo wanaagsan qabatay Wasaaraddu Islamarkaana uu rajeynayo inay intaas kasii laba jibaari doonto shaqadii horre.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax oo si rasmi ah u furay shirkan dib loogu eegayo waxqabadka Wasaaradda iyo Qorshaha socda ee 2017-ka ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan qorshayaal badan oo u degan iney Wasaarada fuliso sanadkan, kuwaas oo ay ugu horeyso
1. Hirgelinta Madasha Horumarinta Puntland (Puntland Development Forum) Iyada oo laga shaqaysiinayo Qaybaha is-leh ee Shaqooying (Sector Working Groups) ka ku cad Qorshaha Horumarinta Puntland (Puntland Revised Development Plan)
2. Siyaasadda La Socodka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation Policy)
3. Siyaasadda Deeqaha (Aid Coordination Policy)
4. Sharciga Hay’addaha aan Dawliga ahayn (NGO Act)
5. Sharciga Istaatistikada (Statistics Act)
6. Istaraatiijiyada Istaatistikada (Statistics Strategic Plan)

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Dr. Shire Xaaji Faarax oo safar fasax iyo shaqo ka soo laabtay

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Dr. Shire Xaaji Faarax oo dalka dib ugu soo laabtay kadib fasax iyo booqasho uu muddo dalka uga maqnaa.

Wasiirka ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey dhamaan bahda Wasaarada iyo madaxda kale ee Puntland kadib markii uu dhowaan ka soo degay garoonka diyaarada caalamigaa ee Boosaaso. Wasiirka ayaa si weyn loo so odhoweeyey kana hadlay soo dhoweynta wacan ee loo sameeyey.

 

Wasiirka ayaa wuxuu shirar kala duwan la qaatay dadweynaha magaaalada Boosaaso si uu ugu kuur galo xaaladaha dalka iyo wax qabadka muhiimka ah ee dawladda Puntland ay ka wado dhamaan deegaanada Puntland.

Waxaa si weyn ugu farxay imaanshaha wasiirka shaqaalaha dhamaan wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamigaa iyo dhamaan hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Puntland kuwaas oo sugayey wasiirka imaanshahiisa safiirkiisa ka dib.

Waxaa la filayaa in shaqada wasaarada la dar dar geliyo maadaama wasiirka uu soo noqday.