Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dawladda Puntland oo tababar u qabatay Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda.

Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dawladda Puntland, waxay maanta oo taariikhdu tahay 26 February 2017 tababar u qabatay Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda, tababarkaas uu ku saabsan sida ay u shaqayn doonto Madasha Horumarinta Puntland ama Puntland Development Forum (PDF) ee ay hormuudka ka tahay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Madasha Horumarka Puntland (Puntland Development Forum) waa madal lagaga arinsan doono ka qaybgalka,qorshaynta iyo maaraynta geedi socodka horumarka Puntland, si loo helo madal isku xirta heer Gobol ilaa heer Degmo labadada.

Madasha ayaa la filayaa in ay fududeeyso qaabka xiriirinta iyo isku dubaridka hawlgalka kulamada joogtada iyo kuwa kale ee istiraatijiyada horumarka ee ka dhaca dalka dibadiisa iyo gudihiisa, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa la isulana fahmi lahaa muhiimada horumarka, wada shaqaynta daneeyayaasha Puntland iyo arimaha heer qaran.

Madasha Horumarinta Puntland waxay bixinaysaa talooyin ku saabsan ujeedooyinka muhiimka ah, nidaamka, habka xiriirinta Hay’adaha dawladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Deeq bixiyayaasha.