Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa bilowday tababarka Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka Bulshada.

October 10, 2018

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa bilowday tababarka Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka Bulshada. Tababarkan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya in ka badan 80 qof oo ahaan doona kuwa soo ururinaya xogaha kala duwan ee la doonayo in lugu soo ogaado sahankan. tababarka ayaa socon doona muddo 32 bari ah isagoo qorshuhu yahay in lugu tababaro dadka ka qayb qaadanya dhamaan macluumaadkii ay u baahnaayeen si ay usoo ururiyaan xog sax ah oo ka tarjumi karta in ay noqoto mid lugu gaaro go’aamada dowladda iyo kuwa caafimaadka.

Agaasimaha Waaxda Istaatistikada Cabdifataax Bayle ayaa bixiyay warbixin kooban oo ku saabsan tababarka iyo qaababka ka kala duwan ee loo tababarayo dhamaan dadka ka qayb qaadan doonaa sahanka.

Xuseen Cabdi Jaamaca Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta ayaa u mahad ceshay dhamaan dadkii ka qayb qaatay in ay surta gasho qabsaoomidda tababarkan oo muhiimad gaar ah u leh Dowladda Puntland iyo Shacabkeedaba. Agaasiamha ayaa sidoo kale la dardaarmay dhamaan dadka la tababarayo iyo macalimiintaba in ay fiiro gaar ah u yeeshaan muhiimadda uu leeyahay Sahanka Caafimadka iyo Macluumaadka Bulshada.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa si rasmi ah u furay tababarka waxaa hadaladiisii ka mid ahaa: Caafimad ku waa halbolaha bulshadeena Puntland si aynu u ogaano xogta rasmiga ah ee inaga daahsoon waxaynu u baahanahay inaa helno xog la is ku halayn karo, hadii aad u qaadataan tababarkaan sida wanaagsan ay ugu soo shaqeeyaan Waaxda Istaatistikada Wasaaraddu waxaan gaari doonaa hadaf wanaagsan. wasiirka ayaa u mahadceshay dhamaan dadkii ka qab qaatay suuragalka shirka oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’adda UNFPA.

Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka Bulshada ayaa ah kii ugu horeeyay ee laga fuliyo Puntland iyo Guud ahaan Soomaliyaba. Sahankaan ayaa waxaa la filayaa in uu bilowda ka dib marka uu dhamaado tababarkaan oo ku 10ka bisha 11naad isnahalah.