Wasaaradda Qorshaynta oo Agaasintay shirkii Saddexaad ee Madasha Hormarinta Puntland Qaybta Amaanka

Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 11 bisha shanaad Wasaaradda Qorshanta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka qabsoomay Shirkii Saddexaad ee Hay’adaha is ku shaqada ah, Shirka wuxuu ku saabsana Qaybta Amaanka (Security Sector).

Hagaajinta Amaanku waa qodobkii koowaad ee afarta qodob ee Dawladda maanta jirta ay balanqaaday waxaana hadafku shirku ahaa in la ogaado maxaa qabsoomay? Maxaa caqabado ah? Maxaa lagusixikaraa?

Waxaa shirka daahfuray Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Qorshaynta Mudane: Siciid Faarax Maxamud iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Mudane: Cabdicasiis Maxamed Aadam.

Wasiir Siciid Faarax waxaa hadaladiisii ka mid aha: waa inaa yeelanaa hormar dhow oo ina gaarsiiyaa hormar fog, isagoo hadalkaa ula jeeda qorshaha hormarinta Puntland ee 2017-2019 iyo Qorshaha argtida Puntland 2030 ee Wasaaraddu dhawaan bilaabayso shaqadiisa.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Madaxa Ha’adda UNSOM Mudane: Howard Bell, isagoo ka dhawaajiyay in ay meel fiican marayso Madasha Hormarka Puntland loona baahan yahay dhamaan saamilayda reer Puntland ka faa’iidaystaan fursadaan, waxa kaloo uu sheegay in loo baahn yahay wada shaqayn fiican oo is ku xiran inay ka jirto dhamaan laamaha amniga ee heer Maamul Goboleed ilaa heer Federaalka.

Hadafka guud ee shirarkan is daba socda waxaa weeye sidii loo samayn laha in Ha’adaha Dowladda iyo kuwa heer caalami ee is ku shaqada ah ay u wada fahmi lahaayeen kaalintooda ku aadan Qorshaha Hormarinta Dowladda Puntland.

Waxaa shirka kazoo qaybgalay hay’adaha Dawladda, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Hay’adaha Caalaamiga ah.

Ugudanbaytii Shirka Waxaa ka soo Baxay:

Waxa la is ku raacay ajendaha shirka.
Waxa la is ku raacay in Hogaanka Amaanku noqonoyo Wasaaradda Amniga.iyo hay’adda UNSOM.
Waxaa la is ku raacay in laga doodo, la isla meel dhigana qaabka shaqada loo kale leeyaay maalinka talaadad ah ee asbuuca soo socda.
Jadwalka Lixda bilood ee soo socoto waxaa isna laga doodoyaa talaadada soo socoto si loo meel mariyo