Wasaaradda Qorshaynta oo Agaasintay shirkii ugu horeeyay ee Madasha Hormarinta Puntland Qaybta Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasaaradda Qorshaynta ayaa Agaasintay shirkii ugu horeeyay ee Madasha Hormarinta Puntland Qaybta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Shirkan oo ah shirkii ugu horeeyay mid noociisa ah ayaa lugu qabtay wasaaradda qorshaynta.

Shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamka Mudane: Shire Xaaji Faarax oo sharaxaad dheer ka bixiyay sida ay muhiim u tahay in la dhaqan galiyo Qorshaha Saddexda Sano ee hormarinta Puntland kaas oo u qaybsan shan qaybood oo kala ah: Kaabayaasha Dhaqaalaha, Cadaaladda, Waxbarshada, Caafimaadka, iyo Amniga.

Waxaa kaloo ka hadlay shirka Mr. David Akopyan UNDP- Agaasime Kuxigeenka Wadanka ee Programs ka oo ka hadlay sida ugu fiican ee loo hirgalin karo Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.

Natiijada Shirka:

  • Qaybta Kaabayaasha Dhaqalaha Waxaa Dowladda u hogaaminaya Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta halaka Ha’addahana ay Hogaaminayso UNHABITAT
  • Waxaa la isku raacay ajandaha Shirka
  • Waxaa la eegay lana is ku raacay Qaabka shaqada loo kala yeelanayo
  • Waxaa la soo bandhigay jadwalka Lix Bilood ee soo socota waana la is ku raacay

 

Shirka waxaa looga gol lahaa sidii loo fududayn lahaa wada shaqaynta qaybaha is ku shaqada ah iyo faracyada is ku shaqada ah, si loo xoojiyo wada shaqaynta  ahdaafta iyo ujeedooyinka Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Shirka waxaa daadihinayay Agaasimha Guud ee wasaaradda Qorshaynta Xuseen cabdi oo isna ku adkeeyay carabka muhiimadda ay yeelan karto hadii la raaco qorshaha Hormarinta Puntland.

 

Wasiirka Wasaaradda