Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Finland U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ay hogaminaysey Safiirka wadanka Finland u qaabilsan arrimaha Soomaliya H.E Tarja Fernandez oo ah markii ugu horaysey ee ay timaado Puntland.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Finland ugu deeqdo horumarka Puntland iyo sidii ay usii joogteyn lahaayeen wada shaqaynta, isla markaana ay ugu dedaali lahayeen guulaha dhamaan mashaariicdaasi, siiba Qorshaha Horumarinta Puntland (Revised Puntland Development Plan).

Dhinaca kale Safiirka wadanka Finland u qaabilsan arrimaha Soomaliya H.E Tarja Fernandez ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay wada shaqeeynta Puntland iyo dalkeeda isla markaana ay sii wadi doonaan wadashaqayntaasi ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana ay intaasi raacisay in ay Dawladda Puntland iska kaashadaan arimaha caafimaadka iyo barnaamijyada soo celinta qurba joogta xirfadlayaasha ah si ay aqoontooda uga faa’iideeyaan wadanka dhalashadooda.

Ugu danbayna Mudane Wasiir Shire Xaaji Faarax ayaa Dawladda Finland uga mahad celiyey wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin joogtaynta iyo dar dar gelinta wada shaqayntaasi.