Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Maamulka Puntland Sayid Cabdulle Xassan oo soo gaaray Magaaladda garowe ayaa waxa uu warbin ka siiyay Warbaahinta Wasaarada qorshaynta safar shaqo uu baryahan ka muqnaa dalka kenya gaar ahaan caasimada Nayrobi
Wasiirka ayaa ku tilmaamay safarkaas mid uu kula kulmay Hay,adaha ka hawlgala Gudaha puntland ee degan wadanka kenya
wasiirka ayaa tilmaamay in uu la kulmay madax badan oo ka tirsan hay’adaha ka hawlgala puntland ayna kawada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda ay kawadaan guud ahaan Gobaladda Puntland
Wasiirka ayaa tilmaamay in dhinaca kale uu kula kulmay Qaar kamid ah deeqbixiyaasha Caalamka ayna kawada hadleen sidii xaga horumarinta looga taageeri lahaa puntland
Warbaahinta Wasaaradda Qorshaynta