Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyaadda Xasan Maxamed (Xasan Cadde) ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa saaka.

December 22, 2018

Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyaadda Xasan Maxamed (Xasan Cadde) ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa saaka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta mudane Siciid Faarax ayaa goobjoog ka ahaa kala wareejinta labada Agaasime.

Agaasimaha Guud, Agaasime Waxeedyada iyo Waaxda Maamulka iyo Maaliyaadda ayaa ka qayb galay xil wareejinta.

Xasan Cadde ayaa ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta isagoo oo ay aad u soo dhaweeyeen magacaabistiisa Madaxda Wasaaradda iyo Shaqaalaha Wasaaraduba.