News Press Release

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga oo Maanta Xilka lawareegay

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga MR-Cali Xirsi Salaad ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay agaasimayaashii hore ee wasaaradda qorshaynta MR-Mohamed Ali Ismail iyo Mr: Faarax Kulmiye Cilmi wasaaradda ayaa hadda kadib yeelan doonta hal agaasime guud oo keliya .

Xaflada Xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan shaqaalaha wasaaradda wasiiradda iyo wasiiru dowlaha waxaana xilka ukala wareejiyey Wasiirka wasaarada Qorshaynta HON- Cali Axmed Fatax sidiirana ugu soo dhoweeyey Agaasimaha cusub Wasaaradda  kulana dar daarmay in uu isbedel shaqo iyo dardar gelin cusub wasaaradda ku samayo Ilaahayna uga rajeeyey in uu ku garabgalo hawsha adag ee loosoo igmaday .