News

Agaasimaha Guud Xuseen Cabdi ayaa shir Gudoonshay Shir ay isugu yimaadeen Hay’adaha kumidaysan mashruuca SOMREP

Agaasimaha Guud Xuseen Cabdi ayaa shir gudoonshay Shir ay isugu yimaadeen hay’adaha kumidaysan mashruuca SOMREP iyo Hay’ado Dawladeed oo Ay kamid yihiin Wasaraddaha Deeganka, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Hay’adda HADMA

Shirka ayaa ku saabsanaa Qorshaha Dowladda ee u adkaysiga iyo soo kabashada abaaraha.

bilowgii 2017 ka ayaa wasaaraddu soo samaysay Qorshaha ka soo kabashada Abaarah iyadoo kaashanaysa hay’adaha kor kuxusan iyo Qaramada MIdoobay.

Shirka saaka ayaa looga wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa qorshayaashii la dajiyaay iyo qorshaha sanadkan.
Agaasiamah Guud Xuseen Cabdi ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wada jir ah looga wadashaqeeyo ka soo kabashada abaaraha sidoo kalana la raaco Qorshaha Dowladda ee u adkaysiga Abaaraha soo noqnoqda