Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa ansixiyay xeerka Istaatistikada Puntland

July 20, 2019

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20/07/2019 Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa ansixiyay xeerka Istaatistikada Puntland kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorshayntu laguna hagayo xogaha Puntland.

Wasaaradda Qorshayntu waxay umahadcelinaysaa Guud ahaan Baarlamaanka Puntland gaar ahaan gudiga Qorshaynta iyo Siyaasada oo gudoomiye kayahay Xildhiban Cabdiraxman Diiriye Carab iyo xubnaha Gudiga.

Xeerkan oo soo socday mudo sanad ah ayay Wasaaraddu ufulindonta sida baarlamaanka Puntland u ansixiyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Labadiisa ku xigeen