News

HAY,ADDA UNICEF SOO BANDHIGTAY WAXQABADKA BIYAHA IYO NADAAFADDA (WASH) EE 2016

Kulan ay iska kaashadeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay,adda UNICEF ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka Nadaafada iyo Biyaha (WASH) Puntland ee Hay,adda UNICEF qeybteeda biyaha iyo nadaafadda ee sanadka 2016.
Waxaa kaSoo qayb galay shirka xubno ka socda dhamaan Wasaaradaha Dawlada sida Wasaaradda Caafimaadka, Hay,addaha Biyaha u qaabilsan Puntland iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Cawaale oo ka hadlay furitaankii kulankaan ayaa uga mahadceliyay Hay,adda UNICEF waxqabadka 2016 ka samaysay arrimaha nadaafadda iyo biyaha Puntland.
Wasiir Axmed Cawaale ayaa sidoo kale ugu baaqay Hay’adda UNICEF inay qayb ka noqoto dadaalada loogu jiro sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Puntland, Iyadoo laga duulayo baaqii Madaxweynaha Puntland iyo Hay,adda HADMA ee ahaa in loo istaago wax ka qabashada abaaraha ka jira dhulka Puntland.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 dscn0203 dscn0212 dscn0225 dscn0226