News

Kulan ay Qabteen Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga iyo Hay’adda EUCAP Nestor (EUCAP Somalia)

Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalimiga (MoPIC) iyo Hay’adda EUCAP Nestor (EUCAP Somalia) ayaa waxay si wada jira u qabteen kulan labo maalmood soconaya, oo ay kasoo qayb galeen hay’adaha Dawlada oo ay khusayso wada shaqaynta EUCAP Somalia sida Wasaarada Amniga, Wasaarada Cadaalada, Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha, Wasaarada Dastuurka,Federaalka iyo Dimuqraadiyada,Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dhamaan Hay’adaha kale ee la shaqeeya arimaha Badda (Maritime) kulankaas oo lagaga wada hadlayey Hawl-gelinta mashaariicda EUCAP Nestor ay ka fulin doonto 2017-2018 ee ku saabsan Badda Soamaaliya, Dhismaha Amniga iyo Hir-gelinta Sharciga Badda.

Kulanka ayaa waxaa lagu qabtay Wasaarada Qorshaynta iyo Xidhiidka Caalamiga, waxaana hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga Xuseen Cabdi Jaamac waxaana dscn0009 dscn0013 dscn0015 dscn0017 dscn0024 dscn0025 dscn0031 dscn0038 dscn0042 dscn0046 dscn0050 dscn0055 dscn0056 dscn0057 dscn0071

Ujeedada ugu weyn ee EUCAP Somalia ayaa waxay tahay inay taageerto oo ay gacan ka geysato asaaska iyo dhismaha awooda ee Badda Dawlada Federaalka iyo dhamaan Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federaalka, kor u qaadiska dhismaha amniga iyo hir-gelinta sharciga badda si ay u yeeshaan awood ay uga hor tagaan burcad badeeda iyo awoodda horumarinta dhaqaalaha ee qaybaha khayraadka baddaha (Maritime Sector).

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si wada jir ah loo gaadho, loona fuliyo wada hadalka ballaadhan oo ku saabsan hadafka horumarineed ee Hay’adda EUCAP kadibna laga wada hadlo habka loo bilaabi doono mashaariicda ay fulin doonaan 2017-2018.