News

Madaxa Hay’da UNFPA oo soo gaaray xarunta dhexe ee wasaarada Qorshaynta

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dadka iyo Caafimaadka ee loo yaqaano UNFPA oo soogaaray maagaalada Garowe ee xaarunta Dowladda puntland isagoo halkaasi kulamo kula qaatay madaxda Wasaaradda Qorshaynta oo ugu horeeyo wasiiru Dowladaha Wasaaradda Qorshaynta Dr Sayid Maxamed Cabdule

kulankan oo laysku soo qaaday guud ahaan Mashariicda ay wadanka ka qabato hay’adda UNFPA taasoo laga gaaray isfahan aad usareeya

sidoo kale Madaxa Hay’adda UNFPA Somalia mr Cise iyo wasiiru Dowlaha wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Ariamah federalka Dr Sayid maxamed ayaa isla soo qaaday halka uu marayo mashruuca balaadhan ee ay isla qabanayan hay’adda UNFPA iyo Wasaaradda Qorshayta mashruucaas oo ah Tirakoobka dad waynaha Puntland

Dr Cise waxaa halkaasi warbixin kasiiyay madaxda mashruuca PESS iyagoo tilmaamay in wajigii koowaad laga gaaray guul ayna filayaan in wajiga labaad uu noqda mid najaxa

ugu danbayn waxaa kulankaas ka hadlay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta isagoo sheegay in uu ahaa mid waxyaabo badan la isla soo qaaday isla mar ahaantaana guul laga gaadhay

 

 

warbaahinta Qorshaynta (MOPIC)