News

Madaxda Wasaaradda Qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah oo kulan laqaatay madaxda hay’adha

Waxaa maanta shir ay kasoo qaybgaleen madaxda Wasaaradda qorshaynta lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaarada ,Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeye ee noociisa oo kale ah oo ay wasiiradka iyo wasiiru dowlaha wasaaradu la qaataan madaxda hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala gobolada iyo degmoooyinka dowlada puntland shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii mustaqbalka loo abuuri lahaa jewi wadda shaqayn iyo isla xisaabtan ku dheehan yahay oo looga wada shaqaynayo mashaariicda dalka ka socota.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Prof-Ali Ahmed Fatah ayaa ugu baaqay dhamaan hay’daha dalka kashaqeeya inay  kulamo gooni gooni usoo diyaar garoobaan soona diyaar sadaan qorshayaashooda sanad laha ah si laysula fahmo nidaamka kormeeridda qorshayaasha iyo mashaariicda sanadda  2o14  ee dowlada puntland ay hay’adahu kawadaan.

shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda qorshaynta, madax qaybeedyadda iyo wakiiladda dhamaan hay’adha caalamiga ah ayaa kusoo dhamaaday jewi farxad, isbarasho iyo is fahan kamuuqdo.