Madaxwayne kuxigeenka Dawladda Puntland MD. Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo uu weheliyaan madax qayboodyo kala dawan ayaa soo xiray tababarka sahanka caafimaadka iyo arrimaha bulshada oo dhawan laga qaban doono guud ahaan Puntland.

November 12, 2018

Madaxwayne kuxigeenka Dawladda Puntland MD. Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo uu weheliyaan Wasiirudawlaha Wasaaradda Qorshaynta Axmed Cawale, Madaxa xafiiska UNFPA ee Garowe iyo shaqaalaha waaxda Istatistikada ayaa soo xiray tababarka sahanka caafimaadka iyo arrimaha bulshada oo dhawan laga qaban doono guud ahaan Puntland.

Tababarkan ayaa waxa uu socday mudo bil ah waxaana kaqaybgalay 80 gabdhood oo isugu jira kalkaaliyaal caafimaad iyo umulisooyin kuwaas oo uruurindoona xogtaas muhiimka u ah Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.