Madaxweynaha Dowladda Puntland

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa Daahfuray Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad 2020 -2024.

August 7, 2019

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga aha ayaa maanta soo agaasintay shir balaaran oo ka dhacay Xarunta Shirarka ee PDRC kaa oo uu Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku Daahfuray Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad 2020 -2024.
Shirkaaan oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen dhamaan Wasaaradaha, Hay’adaha Dowladda, Golaha Shacabka, Ururuada Bulshada ayaa waxaa lugu soo bandhigay taarikhihii hore ee Qorshayaasha Horumarinta iyo casharadii laga bartay oo ay soo bandhigeen Agaasiamha Guud ee wasaaradda Qorshaynta Xuseen Cabdi iyo Maxamed Xasan Barre.

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Cabdiqafaar Xaange Dawladda Puntland oo ka hadlay kullanka daahfurka Geedi-socodka diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 2020-2024 ayaa sheegay in hanaanka diyaarintu noqondoono mid ku dhisan wadatashi loo dhanyahay, dhamaan wasaaradaha, hay’adaha dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada laga aga tala-gelieyey, si qorshuhu u noqdo mid koobaya baahiyaha kala duwan ee deegaanada iyo bulshada Puntland. Wasiirku wuxuu ka codsaday dhammaan wasaradaha, hay’adaha dawladda iyo Daladaha bulshada rayidka ah in ay si dhamaystiran u qaataan doorka ay yeelan doonaan, isla markaasna ay huraan waqtiga iyo juhdiga Geedi-socodka diyaarinta Qorshaha horumarinta Puntland u baahanyahay.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshahani noqondoono mid ka turjumidoono ka jawaabid mudnaanaha iyo baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee puntland ka jira, isla markaasna bidhaamiya isbedeladda dhaqaale, maamul iyo siyaasadeed ee ay hogaanka iyo shacabka dawladda puntland ku taamayaan, isla markaasna uu noqondoono mid ka shidaal-qaadanaya hiraalka iyo aragtida siyaasadeed ee Dawladda Puntland ee u hogaaminayo Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, sidoo kale qorshuhu wuxuu ka aragti qaadan qorshaha hormarinta qaranka iyo SDGs.

Madaxweynha Dowladda Puntland oo daahfuray Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland 2020-24 ayaa waxaa hadaladiisaa ka mid ahaa 
“Puntland waxaa lagu amaani karaa mudadaa ay shaqayneysey horumarka ay ka gaartay inay nidaamkii dowladnimo dhisto, waxna ka qorshayso. Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, waa qorshaha horumarinta, marka laga hadlaayo qorsha horumarinta ee horumarinta bulshada bay inta badan xooggasaraan, horumarintaasi waxay ku tiirsan tahay inta badan deeqaha ay Puntland ka hesho hay’addaha. Qorshahan sida wasaaraddu cadaysay siyaasadda dowladdana ka mid ah, waxaan rabnaa inaan kuwii hore wax ka bedelno oo ku darno qaybta suurta gal ka ah ee dalka ka imaanaysa kuwaas oo laba qaybood ah tan dowladda iyo tan bulshada rayid ka”

“Qodobada muhiim ka ah ee qorshaha lagu daraayo waxaa kamid ah sidii dadka wax soo saarka leh loo kobcin lahaa, sidii loo kobcin lahaa dadka wax soosaarka Baddaleh, kuwa Xoolaha leh iyo kuwa beeraha leh, hadaynaan dakhli abuurin waxaan qorshaynayno waa iska-mala-awaal, qodobkaas wuxuu yahay qodob muhiim ah oo u baahan in wakhti la geliyo, waxaa kaloo muhim ah in qorshaha la samaynaayo lagu daro misaaniyadda horumarineed ee inaga soo gala inta laga filayo qiyaas ahaan hay’addaha, waxaanna soo jeedinaayaa in marka misaaniyadda la samaynaayo hay’addaha halkan jooga laga codsado miisaaniyaddooda ku talagal ka ah ee sanadlaha ah inay soo gudbiyaan, si gaar ah intay Puntland gelinayaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni