News

SHIRKA WADATASHIGA DAWLADA IYO HA’ADDAHA CAALAMIGA AH

Waxaa maanta ka furmay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland shir ku saabsan xoojinta habka wada shaqeynta Dowlada Puntland iyo Hay,addaha Caalamiga , Shirkaas oo ay Wasaaradu xiriirinaysay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga,Madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaarada caafimaadka, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaarada Amniga, Hay,adda Musiibooyinka Dabiiciga ee HADMA, Hay’ada Biyaha ee PASAWEN, Hay’ada Qandaraas bixinta Dawlada, Madax ka kala socota  Hay,addaha UN-ka ee kala ah UNDP,OCHA,Xafiiska isku xirka Hay,addaha Caalamiga ee Soomaaliya RCO ,Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland iyo Wakiilo ka socda Hay,addaha Caalamiga ee INGO’s ee NGO Consortium .

Shirkan oo ahaa mid balaaran ayaa lagu soo bandhigay sharci dhawaan ay ansixiyeen Baarlamanka Dowlada Puntland, Kaas oo lagu dhaqi doono Hay,addaha Caalamiga iyo Isku duba ridka Siyaasadda Deeqaha Caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dr Shire Xaaji Faarax oo furay shirka ayaa sheegay in lagu soo bandhigayo  nidaam Horumarinta Puntland oo ah (Puntland Development Forum) kaas oo ah hab cusub oo lagu maamulayo deeqaha soo gala dalka, islamarkaana saldhig u noqonaya siyaasada isku dubaridka deeqaha.

Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in Wasaaradiisu u qaabilsan tahay Dowlada Isku xirka hay,addaha caalamiga ah, wuxuuna ka codsaday kasoo qeybgalayaashii shirka inay ka qeyb qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta Dowladda iyo Hay,addaha Caalmiga ah.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland oo ka hadlay kulankan ayaa faahfaahin ka bixiyay sharcigaan cusub, wuxuuna sheegay inuu ka kooban yahay sharcigan cusub waajibaad iyo xuquuq Islamarkaana lagu dhaqi doono Hay,addaha Caalamiga ah, kaas oo magaciisa la yiraahdo (NGO Act).

dscn0230 dscn0240 dscn0245 dscn0263 dscn0274 dscn0269

1 3 4 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 dscn0098 dscn0132 dscn0159-2 dscn0159 dscn0177 dscn0194 img_7183 dscn0290 dscn0109