Shirkii Bilaha ahaa ee Mashruuca Tayaynta Hay’adaha iyo Shaqaalaha Dowladda Puntland ayaa lugu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

January 16, 2019

Shirkii Bilaha ahaa ee Mashruuca Tayaynta Hay’adaha iyo Shaqaalaha Dowladda Puntland ayaa lugu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

Shirka maanta dhacay ayaa waxaa looga hadlay Qorshaha sanadkaan iyo Waxqabadkii sanadkii la so dhaafay. Shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo kala duwan o ay ka mid ahaayeen Shaqaalaysiinta Shaqaalo cusub oo sanadkan la qaadan dooono, Baahaiyaha Hay’adaha iyo Wasaaradaha ee Mashruuca ka taageeri karo iyo caqabadihii sanadkii tagay ku yimi qorshayaashii la dajiyay.

Shirka ayaa waxaa shir Gudoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Waxaana shirka ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah, Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Beeraha, Gudoomiye ku Xigeenka Baanka Dowladda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasaaradda Maaliayada iyo Xafiiska Madaxwaynaha.