Wafdi ka socda Wasaradaha Qorshaynta iyo Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u jooga wadanka Kenya Aqoon Kororsi ku aadan Hormarinta Siyaasadaha Dowladda

November 21, 2018

Wafdi ka socda Wasaradaha Qorshaynta iyo Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u jooga wadanka Kenya Aqoon Kororsi ku aadan Hormarinta Siyaasadaha Dowladda iyo Hormarinta Buug Gacmeedka Golaha Xukuumadda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Mudane Axmed Cawaale ayaa hogaaminaya Wafdiga oo ka kooban Wasiiru-Dawlaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Qorshaynta Xuseen Cabdi, Agaasime Waxeedyo iyo Madax Qaybeedyo ka socda Wasaaradda iyo Xafiiska Madaxweynaha iyo Lataliyaasha Qiimaynta iyo Dabagalka ee Mashruuca CIP ee Xafiiska Madaxweynaha Maxamuud Saciid.

Aqoon Kororsigan ayaa socon doona muddo labo asbuuc ah, waxaana qorshuhu yahay in kor loo qaado aqoonta siyaasadaha iyo dhaqan galintooda, sidaa si la mid ah waxaa hormarin lugu saamayn doona Buuug Gacmeedka Golaha Xukuumadda iyadoo tusaale laga qaadan doona Dowladda Kenya.

Wafdiga ayaa booqon doono xaruuma muhiim ah oo ka mid yihiin Xafiiska Madaxweynaha, Golayaasha Xukuumadda, Jaamacada Nairobi, iyo Xafiiska Duqa Mombaasa.