Wafdi uu hogaminayo Wasiirkuxigeenka Wasaardda Qorshanyta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Siciid Faarax oo ay waheliyaan madax qayboodyo kala dawan ayaa maanta uga qayb galay Asbuuca Qiimaynta iyo Dabagalka ee Wadanka Kenya.

November 14, 2018

Wafdi uu hogaminayo Wasiirkuxigeenka Wasaardda Qorshanyta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Siciid Faarax oo ay waheliyaan Agaasimaha Guud Xuseen Cabdi, Agaasiamha Qiimanta iyo Dabagalka, Khabiirka Qiimanta iyo Dabagalka ee mashruuca CIP, iyo madax qayboodyo kala dawan ayaa maanta uga qayb galay Asbuuca Qiimaynta iyo Dabagalka ee Wadanka Kenya.

Asbuuca Qiimaynta iyo Dabagalka ayaa la qabtaa sanadkiiba hal mar kaas oo lugu soo bandhigo Cilmi Baarisyo kala duwan iyo xogaha kaleĀ ee Qiimanta iyo dabagalada ee wadamada kala duwan ee caalamka.

Waxaa Asbuuca Qiimaynta iyo Dabagalka ka soo qaybgalay dad ka badan 500 oo qof oo ka kala yimi dalalka caalamka. Xubanaha ka soo qayb galay Asbuuca Qiimanta iyo Dabagalka ayaa qaarkood soo jeedsheen sida ay Wadankooda ama Gobolooda u sameeyaan Qiimanta iyo Dabagalka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo ka hadlay shirka ayaa soo jeedshay hormarka laga sameeyay dhinaca Qiimaynta iyo Dabagalka sidoo kalana sheegay sida wanaagsan oo ay uga faa’iidaysan doonaan bandhigyada kala duwan ee ay soo jeedisay Dowladda Kenya iyo dhamaan ka soo qaybgalayaasha kalaba.