News

Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Oo kaga Qayb Gashay Nairobi Shir Lagaga Hadlayey Qorshayaasha Mashruuca CIP (Capacity Injection Project)

Shirkaan oo ku saabsanaa diyaarinta Qorshayaayasha Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha (Capacity Injection Project CIP) ee qaybta Puntland Sannadka 2017 ayaa ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Waxaa Wasaaradda uga qayb galay Agaasimaha Guud, Agaasime Waxeedyo iyo La taliyayaal ka tirsan Wasaaradda.

Shirkaas oo socday muddo dhan 1 Asbuuc ayaa waxaa lagaga hadlayey qorsheyaashii sannadka 2016ka, waxyaabaha ka qabsamoomay, waxyaabaha aaan ka qabsoomin iyo sababta, sidoo kale waxa si qoto dheer loogu lafa guray waxyaabaha la qorshaynayo sannadka 2017ka.

Waxaana ka qayb galay dhammaan Agaasimayaasha Guud ee hayadaha iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca Tayaynta Shaqaalaha oo tiro ahaan 9 Xarumood, kuwaas oo kala ah:

  1. Madaxtooyada Dawladda Puntland
  2. Bangiga Dawladda Puntland
  3. Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland
  4. Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland
  5. Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
  6. Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhalliinyarada iyo Ciyaaraha
  7. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Puntland
  8. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland
  9. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Hay’ad walba oo ka mid ah hay’adahaani ayaa waxay shirka kusoo bandhigtay guulihii ay ka gaartey Mashruucaan CIP sanadka 2016, isla markaana waxay soo gudbisay waxyaalaha ay rabto inay qabato sanadka 2017ka ee ay doonayso inay kaga faaiidaysato mashruuca CIP.

Waxaa shirku soo geba gebooday maalinkii Khamiista November 10, 2016 waxaana kasoo baxay waxyaalo guul u ah dhamaan shacabka reer Puntland.

1 2 3 4 5 6 7