Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka calamiga ah Dowlada Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabatay kulan ku saabsan barnaamijka sahanka caafimaad

December 20, 2018

Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka calamiga ah Dowlada Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabatay kulan ku saabsan barnaamijka sahanka caafimaad kaas oo lagu ogaanayo xaadaha caafimaad ee ka jira guud ahaan deegaanada Puntland .

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen qaar katirsan gudoomiyayasha Gobolada Puntland ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa in Gudoomiyayasha gobolada iyo degmooyinka lala socodsiiyo in dhawaan gobolada Puntland oo dhan ka bilaabanayaan Barnaamijka Sahanka Caafimaadka .

Waxaana barnaamijkaan iska kaashanaya Wasaarada qorsheynata , Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dhamaan gudoomiyayasha gobolada Puntland