News Press Release

Wasaaradda Qorshaynta ayaa soo Abaabushay Shir Lugu Xoojinayo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Qorsheynta. Shirkan ayaa la qabtaa sanadkiiba hal mar waxaana Shir Gudoonsha Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiwali Mohamed Cali, shirka ayaa waxaa looga hadlaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Hay’adaha Dowladda iyo Hay’addaha Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha Samafalayaasha.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda¬†qorshaynta Mudane Xuseen Cabdi ayaa soo bandhigay waxqabadkii Wasaaradda Qorshaynta ee 2017, sidoo kale sharaxay Qorshaha Hormarinta Puntland iyo Madasha Hormarinta Puntland. Ugu danbayn Agaasimaha ayaa xasuusiyay in Puntland ay ka dhabaynayo isla xisaabtan ka lagana rabo dhamaan Hay’addaha Caalamiga in ay u hogaansamaan Siyaasadda Qiimaynta iyo Dabagalka oo uu Madaxweye Cabdiwali Mohamed saxiixday sanadkii tagay.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Shire xaaji ayaa soo jeediyay Khudbad taabtay meelo badan taas oo ka turjumaysay waxyaalihii u qabsoomay Wasaaradda 2017 kii iyo qorshayaasheeda 2018, wasiirka ayaa ka hadlay sida wanaagsan ee ay u mataleen Puntland heer caalami, sharaxay sida quruxda badan ee Qorshaha Dowladda Puntland u shaqeeyay hadii la xoojiyo Madasha Hormarinta Puntland na ay intaa shaqo ka fiican la qaban karo, wasiirka ayaa sidoo kale taabtay qaybinta mashaariicda soo gaara Puntland si siman si loo helo sinaanshahaas ay wasaaraddu daraasad soo saartay una sheegay dhamaan hay’adaha Caalamiga ah in ay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradda.
Madaxwaynaha oo shirka furay ayaa bogaadiyay Wasaaradda Qorshaynta sida wanaagsan oo ay usoo agaasintay shirka iyo shaqada ay u hayso bulshada reer Puntland, Madaxwaynaha ayaa sidoo kale xasuusiyay dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda, Madaxwaynaha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ina hay’adaha dowladdu uu masuul ka saaran yahay danta reer Puntland sidaa darteed ay gaarsiiyaan mashaariicda dhamaan deegaanada Puntland.