News

Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland oo soo Bandhigtay Qorshaha Horumarineedka shanta sano ee Soosocda

 

Wasaaradda Qorshynta Dowladda puntland ee soomaaliyeed oo soo bandhigtay Qorshaha Shanta sano ee socda qorshahaas oo afka Qalaad lagu yidhaahdo (Five year Development plan (FYDP 2013)  qorshahan shanta sano ayaa looga gol leeyahay sidii loogu horumarinlahaa baahiyaha ka jira iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaabayasha dhaqaalaha dowladda puntland .

 

 

Qorshahan oo ahaa mid lagu soo shaqeeyay sanadihii la soodhaafay isla,mar ahaantana kii ugu danbeeyay uu dhamaaday sanadkii 2012 isagoo laga soo bilaabay sanadkii 2007dii

wasaaradda Qorshaynta dowladda puntland ayaa ku hawlan sidii loo heli lahaa Qorshe sanadeedka horumarineed ee 2013-2017ka taas oo lafilayo in uu hirgalo dhawaan

 

Wasaaradda qorshaynta Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Arimaha derraalka waxay ka samaynaysaa dhamaan Degmooyinka Dowlada Kormeero la xidhiidha sidii loo ogaan lahaa baahiyaha Kajira guud ahaan Degmooyinka Dowladda puntland si  degmo kasta loogu daro baahiyaha ay hiigsanayso in ay waxka qabtaan  sanadaha soo socda Qorshaha Horumarineed ee shanta sano

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Qorshaynta