News

Wasaaradda Qorshaynta Golaha Xukuumada Horgaysay Qorshaha Horumarinta Puntland oo lagu sameeyay dib u eegis

Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dawladda Puntland ayaa maanta 11/08/2016 horgaysay Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland Qorshaha Puntland oo lagu sameeyay dib u eegis dhamaystiran.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in dib eegis dhameys tiran ku sameyaan qorshaha Horumarineed ee Puntland, qorshahaas oo ku saleysan dhinacyada ay Puntland uga baahan tahay horurimarinta iyo siinta mudnaan baahid dalka.

WasirWasir

Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyey in aysan qayb ka ahayn qorshaha horumarineed ee dawladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ah mid aan marna matelikarin Puntland, sidoo kale goluhu waxa cadddeeyey in ay sharcidaro tahay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay u sameyso qorshe dawladaha xubinta ka ah dawladda Federaalka, waayo dalku waa Federaal waa in maamul walba sameystaan qorshahooda, ka dibna dawladda Federaalku kadhigaan qorshaha guud ee dalka.

Sidoo kale goluha Xukuumadda Puntland ayaa sheegtey in ay u arkaa qorshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya mid indho ka cabir ah oo aan ku saleysnayn run, xaqiiq iyo ku talagal sax ah.