News

Wasaaradda qorshaynta & xiriirka caalamiga ah ee Puntland oo soo bandhigtay siyaasada hagida mashaariicda hay’adaha ka hawl-gala Puntland.

Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladda Puntland ayaa markii ugu horaysay soo bandhigtay siyaasada hagida mashaariicda hay’adaha ka hawl-gala deegaannada Puntland.

Masuulka ka tirsan wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladda Puntland oo Warsdaha Wasaaradda Qorshaynta  uga waramay siyaasadaan wasaaraddu soo saartay ayaa sheegay in looga danleeyahay arrimo ay ka mid tahay.

1- lahaanshaha mashaariicda dalka in la qeexo, isla markaana la muujiyo inay leeyihiin shacabka ku dhaqan deegaannada Puntland.

2- In la iswaafajiyo qorshaha dawladda ee baahida dalka iyo deeqaha wadanka imaanaya, si ay iskula jaanqaadaan baahida iyo mucaawinnadu.

3- In la maareeyo mashaariicda dalka.

Qodobadaan ay soo saartay wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ayaa waxaa barbarsocday, siyaasad kale oo dhawaan ay wasaaradu soo bandhigtay siyaasada dabagalka iyo lasocodka mashaariicda hay’adaha, waxaana 2-daan siyaasadood ay wada-sugayaan inay ogolaadaan oo ay meel-mariyaan golayaasha xukuumada iyo golaha baarlamaanka Puntland.

Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamig ah ee dawladda Puntland ayaa intaysan soo bandhigin siyaasadaan waxay latashiyo kale duwan la samaysay madaxda hay’adaha dawliga ah ee Puntland, iyo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada Puntland.