News

Wasaraadaa ayaa saaka daah furtay tababr kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha

Wasaraadaa ayaa saaka daah furtay tababr kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha, tababarkan oo socon doona muddo 12 cisho ah ayaa waxaa daah furay Wisiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Shire Xaaji. Tababarka oo daba socda retreat lix bilood ka hor loo sameeyay Wasaaradda Qorshaynta kaas oo ay ka soo baxday baahiyo loo qabo in la qabto tababarkan oo kale.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta waxaa hadaladiisii ka midahaa: “Qof walba aqoon waa u baahanyahay hadii wasaaradda shaqaalaheedu sifiican wax u bartaan helaanna tabbaaro kuwaan oo kale ah wasaaraddu kor bay u kacaysaa haday kor u kacdana waxqabad wanaagsan baa samaynaynaa” wasiirka ayaa amaanay hay’adda UNDP oo ka taageeraysa tababarkan wasaaradda, madax mashruuca SIP-UNDP Muuse Ducaale ayaa isna ka hadlay tababarka sheegayna inay tahay wax muhiim ah inay ka caawiyaan wasaaradda baahiyaha kala duwan ee Mashruuca ka caawin karo.

Dhanka kale Agaaismaha Guud xasuun cabdi ayaa shaqaalaha wasaaradda xasuusiyaay inay ka fa’iidaysataan tababarkan uuna mihiim u yahay hormarkooda shaqo ee waqtiga fog iyo kan dhowba.