Wasiirka ayaa saaka saxiixay Mashruuca Dayactirka Xarumaha Farsamada iyo Kobcinta Xirfadaha ee Soomaaliya qabtiis Puntland.

May 25, 2019

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Eng.¬†Yasin Mire¬†ahna sii hayaha Wasiirka ayaa saaka saxiixay Mashruuca Dayactirka Xarumaha Farsamada iyo Kobcinta Xirfadaha ee Soomaaliya qabtiis Puntland. Mashruucan oo fulintiisa is fahan ka gaareen guud ahaan dalka Hay’adda Iskaashiga Bulshada ee wadanka Jarmalka (GIZ) iyo dowladda somalia.

Mashruucaan ayaa waxaa maal galinaya midowga yurub iyo Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Hurumarinta Wadanka Jarmalka.”

Mashruucan ayay tahay ujeedadiisu sidii loo heli lahaa shaqaale haysta xirfadaha wadanku u baahan yahay si loo daboolo baahiyaha shaqo ee wadanka. Si kor loogu qaado Tababarada Shaqaalaha ayaa waxaa la filayaa in la kobciyo tayada Tababarada la siiyo shaqaalaha lugu tababaro xarumaha Kobcinta Farsamada Gacanta ee puntland, sidoo kalana waxa la dayactiri doona xarumo uu ka mid yahay xarunta farsamada gacanta ee Garowe.