News

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga iyo wefti uu hogaaminayo oo maantay u anbabaxay Dalka Kenya

Waxaa manta ka anbabaxay Gegidaa dayuuradah ee Magalada Garoowe Wefti dhowr xubnood ka kooban oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga MD- Cali Axmed Faatax.

Weftigan oo mudo asbuuc ah joogi doona dalka Kenya ayaa waxaa ay kaga qayb gelidoonaan shir looga hadlayo Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Looyaqaan (New Deal ) .

Sidoo kale waxaa Wasiirku kulamo gooni gooni ah layeelandoonaa safiiradda dalalka Yurub, Maraykanka, Deeqbixiyayaasha Caalamka ee Somaalia, iyo hay’adaha UNka ee fadhigoodu yahay dalka kiiniya.

Kulamaadaasi oo dhamaantood sifiican diirada loogu saaridoono Deeqaha ay beesha caalamku bixiyaan iyo saami ahaan qaybta loo qoondeeyey Puntland sidii loo soo gaarsiin lahaa.