Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa la kulmay Madaxa Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee (CIP) ee Soomaaliya

January 22, 2019

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa la kulmay Madaxa Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee (CIP) ee Soomaaliya Mr Georgy oo safar shaqo ku yimi Puntland.

Shirkan oo taabanayay qodobo badan oo ku saabsan mashruuca waxa uu wasiirku aad u soo dhaweeyay madaxa cusub ee mashruuca tayaynta hay’adaha dowladda Puntland una sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan.

Shirka ka dib Wasaaradda Qorshaynta oo kaashanaysa Xafiiska Xiriirka Mashruuca ayaa shir balaaran ku agaasintay Aqalka shirarka ee Wasaaradda kaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ka faa’iidaysta Mashruucaan.

Shirakaan balaaran ayaa waxaa lugu gorfeeyay Qorshaha 2019 ka ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Mashruuca ka faa’iidaysta iyadoo sidoo kale looga hadlay Caqabadaha sanadkii tagay iyo Casharadii laga baratay.

Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dowladda ayaa ah mashruuca ka soo shaqaynayay Puntland ilaa iyo 2015 tii, kaas oo ay ga faa’iidaysato Dowladdu sidii loo tayayn lahaa Hay’adaha Dowladda.