News

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta Iyo Xidhiidhka Caalamiga oo puntland kusoo dhoweeyey Safiirka dalka Emaradka Carabta u Fadhiya Somalia

waxaa maanta oo taariiikhdu tahay 20/5/2014 kasoo degay gegida dayuuradah ee magaaladda Garowe safiiirka dalka emaradka carabta u fadhiya somaliya iyo wefti uu hogaaminayo waxaana safiirka garoonka kuqaabilay soona dheweyey wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo wasiiro kale ee katirsan golaha xumuudada dawlada puntland oo ay kamid ahaayeen wasiirada wasaaradaha Waxbarashadda,Maaliyada,Demoqraadiya iyo Degaanka waxaana salaan iyo soodhoweyn diiranka dib loosii gelbiyey qasriga madaxtooyada halkaasi oo uu ku qaabilay madaxweynaha dowladda puntland Mudane Prof-Abdiweli Mohamed Ali Gaas .

Weftigan ayaa hordhac u ah wefti balaadhan oo maalinta beri ah kasoo degi doona Gegida dayuuradaha ee magaaladda Garowe wufuudan oo dalalbadan oo caalamka ah ka kalasocda ayaa ka qayb gelidoona shir lagaga hadlayo arimaha Hiigsiga Cusub ee ( New Deal )