News Press Release

WASIIRKA WASAARADDA QORSHAYNTA OO DALKA DIB UGUSOO LAABTAY

 

Waxaa manta kazoo degay garoonka dayuuradah Magaaladda Caasimadda Garowe Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga prof- Cali Axmed Faatax Wasiiirka oo shir heer caalami ah oo lagaga hadlayey Ganacsiga iyo Maalgashiga Somalia kaga soo qaybgalay wadanka Sweden ayaa Shirarkale oo gooni gooni ahna kula soo qaatay wadanka Kenya  safiirada dalalka yurub, madaxa Bangiga Aduunka iyo madaxda hay’adaha UNka.

Waxa wasiirka ay magaaladda Nairobi iska soo raaxceen Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta oo ay ka mid ahaayeen  Kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo Madaxa Xafiiska Tirkoobyadda ee PESS madaxdan oo shirar iyo sibinaaro kaga soo qaybgaly Magaalada Kampala ee Waxanka Uganda .

Wasiirka iyo Madaxda kale ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweyey shaqaalaha  wasaaradda Qorshaynta iyo adaxkaloo kasocotay Dowladda Puntland