Wasiiru Dowlaha Wasaaradda qorshaynta Mudane Ahmed (Biid) Ibraahim Cawaale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan la qaatay Maamulka Mombasa.

November 29, 2018

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda qorshaynta Mudane Ahmed (Biid) Ibraahim Cawaale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan la qaatay Maamulka Mombasa.

Wafdiga ayaa ka kooban Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland. Wafdigan ayaa u joogay dalka Kenya Aqoon Kororsi taabanaysa meelo badan oo kala duwan. Kulanka ay la qabateen Maamulka Mombasa ayaa ahaa heer sare ah oo ay ka soo qayb galeen dhamaan madaxda ugu sarraysa Dowladda. Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Duqa Maamulka Mombasa.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqasho aad u muhiima ku tagay xarunta Haduuma Center oo ah meel laga helo dhamaan shaqooyinka Dowladda ama ha ahaato Maamulka ama Dowladda Dhexe.

Sidoo kale wafdiga ayaa tagay xarunta Cilmi Baarista Siyaasadda oo ahayd meel muhiim u ah Dowladda Kenya.